
Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa warbaaihnta u soo bandhigay mid ka mid ah gaadiidka qufulan ee dagaalka oo sida ay sheegeen kala wareegeen ciidamada xoogga dalka.
Saraakiisha Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in gaariga ay kula wareegeen dagaal ay la galleen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gobolka Shabeellaha Hoose,
Sawirro ay warbaahinta u soo badhigeen ayaa waxaa ka muuqday dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo dusha sare ka saaran gariga, islamarkaana gacanta ku haya astaan ama calanka u gaarka ah Ururka.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay saanad ciidan oo dowladda Federaalka ka heshay dowlado shisheeye, sida ay baahisay warbaahinta afkooda ku hadasha.
Xukuumada ayaan weli ka hadlin sheegashada alshabab ay sheeganeyso iney ciidamada dowlada ka qabsatay mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee ay isticmaalaan ciidanka xooga dalka.