Qarax Qasaare Geystay oo Ka Dhacay Isgoyska Carwo Itko ee Magalada Muqdisho

0
222

Qarax goor dhaweyd ka dhacay magalada muqdisho ayaa la sheegayaa in uu geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay isgoyska Carwo Itko qaraxa oo ahaa miino dhunka la aasay ayaa waxaa ku dhintey in la ogyahay ila iyo 3 ruux halka dhawwcana uu intaasi ka badan yahay.

Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday.

Qaraxyada ka dhaca beryahan magalada muqdisho ayaa noqdey kuwo soo noqnoqda ayadoo dhanka kale Saraakiisha ammaanka ayaa sheegayaan inay wadaan baaritaanka ku aadan cida miinada halkaasi galisay.