Gaari Walxaha Qarxa Lagu Soo Xirey oo Ku Qarxay Degmada Waaberi.

0
40

Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada 1 Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay oo kaliya sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo goobta ku sugnaa

Inta badan Qarax-yada gaadiidka lagu xiro ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin hababka dadka lagu qaarijiyo ee ka baxsan toogashada.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo mataanno ah oo galaaftay nolasha in ka badan 30 ruux oo isugu jiray askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.