Madaxweynihii Lagu Bedelay Shariif Xasan oo aan Weli Ka Hadlin Dadka Ku Jira Xabsiyada Baydhabo

0
34

Xabsiyada magalada baydhaba ayaa weli ku xiran in ka badan 500 ruux oo si gardaro ah looga qab qabtey magalada baydhaba kuwaas oo aan jirin ilaa iyo hada wax lagu eedeeyey oo ay xabsiyadaa ugu jiraan.

Dadkani ayaa la sheegayaa iney u xareysan yihiin wasiirka amniga maamulka koonfur galbeed ninka la yiraahdo Xasan Eelay iyo weliba taliyaha ciidanka boliiska gobolka Baay Generaal Mahad.

Dadkani ayaa lasoo qabqabtey kadib kolkii ay ka qeyb galeen banaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta xukuumda ku heysay doorashada xilka madaxweynenimo taasoo ay xukuumada si cad ah u garab istaagtey musharaxa ay kolkaasi ayada wadatey.

Si kastaba arintu ha ahaatee madaxweynaha lagu bedeley Shariif Xasan ayaan weli ka hadlin dilkii iyo dhaawicii loo geystey dad shacab ahaa oo si nabedgelyo ah ugu banaan baxayey magalada baydhaba, waxaa kaloo ayana weli uusan ka hadlin sii deynta dadka xabyada ku jira iyo weliba dadkii sida micno darada ahaa loogu diley bananbaxyaas ayadoo dadkii dhibkaasi geystey ay weli ku dhex jiraan shacabka.