Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland oo Ciidamada Maamulkiis ugu Baaqay Iney Isku Tashadaan

0
33

Madaxweynaha maamul dowlad Jubbaland Axmed Max’ed Islaam oo maanta isaga oo xiran Tuutaha ciidanka, islamarkaana ay wehlinayeen saraakiisha ciidamada Jubbaland waxa uu booqday deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeedka kaga beegan Kismaayo, halkaasi oo uu kulan kula qaatay ciidamo fariisimo halkaasi ku leh oo isugu jira ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM gaar ahaan ciidanka ka socda Kenya.

Axmed Madoobe oo kulankaasi kadib la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen qorsheyaal loo dhanyahay oo la doonayo in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, kuwaa oo uu xusay in ay kusoo koobmeen hadal oo qura.

Waxa uu sheegay in hadda ay doonayaan in ay sameeyaan isku tashi, oo ay dagaalka bilaabaan ayagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in aysan cidna ka sugeyn in ay dhulkaasi xoreeyso.

Waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan howlgalladan, isagoo sheegay in ay kaashan doonaan ciidamada AMISOM, ayna ka go’antahay in howlgallada la bilaabo isagoo sheegay in ay dhaqaaqi doonaan xitaa haddii ay noqoto in ay keligood noqdaan.