Cabdirahman Abdi Shakuur oo Ka Hadley Fargelinta Itobiya Ku Heyso Somaliya

0
30

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Soomaaliya maanta ay ku sugan tahay iyo waliba Arrimaha ku aadan Isdhexgalka dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in faragalintii ay dowlada Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya sanadkii 2006 ay ka dhalatay Caqabad weyn oo maanta Soomaaliya heysata, taasoo ah in ay sameysmeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dowladda Mareykanka ay taageero siinaysay Xilligaasi dowladda Itoobiya, islamarkaana ay daba ka riixsay faragalinta dowladda Itoobiya ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu cabsi weyn uu qabo Natiijo ka daran Al-Shabaab ay ka dhalato Soomaaliya, islamarkaana hadda ay muuqato saansaantaasi.