Madaxweynaha Dowlada Fedraalka oo Maanta Magacaabay Garsoorayaal Maxkamadeed

0
74

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa kala ah:

▪ Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.

▪ Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).

▪ Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.

▪ Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.