Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bay oo Loo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud

1
128

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib -u dhiska u magacaabay Cabdi Aadan Hoosoow oo ahaan jirey gudoomiyihii hore ee goboka bay.

Booska loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosoow ayaa waxaa maalintii shalay banneeyay Cabdifitaax Geeseey oo ku eedeeyay dowladda in ay fara-galin ba’an ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir Geesey oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xilka Wasiirka Howlaha Guud ku magacaabnaa muddo dhowr bilood ah ayaa ku tilmaamay sababaha uu isku casilay inay aheyd faragelinta ay dowladda ku heyso Maamulka Koofur Galbeed iyo xariggii Mukhtaar Roobow.

Magacaabistan oo aheyd mid dg deg ah ayaa u muuqata mid ra’iisal wasaaruhu uga jawaabayo xaaladaha ka jira Koofur Galbeed, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Koofur Galbeed.

1 COMMENT

Comments are closed.