Wakiilka Amisom ee Somaliya oo Ka Hadley Xiisada Ka Aloosan Magalada Baydhaba

0
60

War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaar ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in xafiiska midowga Africa uu si dhaw ula socdo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in AMISOM marnaba qeyb ka aheyn xariga Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in AMISOM mar walba ixtiraameyso madax-bannanniada dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, daacadna ka yihiin xasiloonida iyo nabada Soomaaliya.

Wakiilka midowga Africa ayaa sheegay in ay si gaar ah uga xun yihiin dadkii ku dhintay rabashadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo tacsi u diray qoysaskii ay dadkaasi ka baxeen.