
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydbabo ayaa sheegaya in waqtiga laga maqlayo meelaha qaar rasaas culus, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhiggeen Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.
Dad carreysan oo qaarkood la sheegay in ay hub sitaan ayaa meelaha qaar magaalada weerar ka geystay, waxaana ka mid ah meelaha rasaasta laga maqlayo xarunta madaxtooyada Baydhabo oo ah halka laga kaxeystay Mukhtaar Rooboow.
Ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo halka ay la tageen ciidamada Itoobiya Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah musharixiinta cad cad doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sidoo kale waxaan cadeyn sababta keentay waqtigan xariggiisa.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhinaca kalana lagu taageerayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo mooshinka laga keenay madaxweynaha.


