Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ee Somaliya oo Cambaareyey Qaraxyadii Shaley Dhacay

0
89

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Soomaaliya ee lagu dilay sheekh caan ah iyo tiro kale oo ah dad rayid ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Warbaahintu waxay sheegtay in wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan.

Gaari miineysan ayaa lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho shalay galab, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa.