Mukhtaar Roobow oo Mar Labaad La Siiyey Shahada iyo Cabdicasiis Lafta Gareen oon Weli Ku Dhiiran La Tartanka Roobow

0
109

Gudiga doorashada maamulka koonfur galbeed ayaa maanta waxaa uu mar labaad shahaadadii tartanka gudoonsiiyey Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gudigii hore u gudoonsiiyey shahaadada.

Waxaa kaloo maanta halkaasi shahaadada tartanka la gudoonsiiyey Adan Maxamed Nuur Saransoor, Musharixiinta hada shahahda heysta ayaa waxaa ay noqnayaan 4 musharax.

Wararka aan ka helyno magalada baydhaba ayaa sheegaya in inta badan musharixinta ay ka tanaasuli doonaan iney usoo istaagaan xilkaasi kuwaasoo u badan musharixiinta ku bohoobay isbedel doonka.

Dhanka kale waxaan asna weli bixin lacagta mushatraxnimada Cabdicasiis Lafta gareen ayadoo ay maalinta berito ah ay ku eg tahay qabashada araajida musharxnimo, Ilo ku dhow dhow Musharax Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sheegaya in Cabdicasiis uusan kalsooni buuxda ku qabin inuu la tartamo musharax Mukhtaar Roobow welina uu dadaal dheer ugu jiro sidii Rooboow looga saari lahaa liiska musharxnimo.

Si kastaba arintu ha ahaatee Kheyre iyo Farmaajo ayaan weli ka quursan taageerida ay u hayaan masharaxooda iyo qaabkii ay Mukhtaar Roobow uga celin lahaayeen tartanka musharaxnimo taasoo aad moodo in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii adkaato kuna qasabI doonta xukuumada iney ka tanaasulaan taageerida ay u hayaan musharaxooda isla markaana bedelaan qaabka ay hada ula dhaqmayaan musharaxiinta musharaxa ugu cad cad Mukhtaar Roobow.