Dib u Dhac Mar Kale Ku Yimid Xiliga La Qaban Doono Doorashada Koonfur Galbeed

0
43

Gudiga doorashooyinka maamulka koonfur galbeed ayaa maanta mar kale dib u dhac ku sameeyey xiliga la qaban lahaa doorasha madaxtinimo ee maamulka koonfur galbeed oo aheyd in la qabto 28 bisha Nov.

Warar hoose oo aynu ka heleyno magalada baydhabo ayaa sheegaya in codsigaas uu gudiga uga yimid dhinaca xukuumada maadaama ay ku guuleysan waayeen dhamaan diban daabyadii ay maalmahan ka wadeen magalada baydhabo.

Xukuumada ayaa quursi ka taagan jalaafooyinka ay ka wadeen magalada baydhabo taasoo waqti badan iyo dhaqaale badan ay ku bixiyeen hadafkioi ay lahaayeena noqdey mid aan guul laga gaarin, Taasoo ay mahadeeda leeyihiin gudiga doorashooyinka.

Dhan walba marka aad ka eegto Jedwalkan ay soo saareen gudiga doorashoda maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa uu tilmaamayaa in laga gudbey dhamaan jid gooyadii ay damacsaneyd iney xukuumada dhigto walow ay weli galgalanayaan, Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in musharixiinta dhiman ay lacagtooda la baxaan wixii ay umada u qaban lahayeena u sheegaan ayaga oo aan ku jirin jaab kale.