Xildhibaan Idiris Cabdi oo Isku Bedelay Afhayeenka Dowlada Kuna Baaqey In Dacwad Lagu Soo Oogo Xildhibaano.

0
116

Xildhibaan Idiris cabdi Dhakhtar oo ka mid ah xildhibaanada xukuumada ay usoo dirtay magalada baydhabo si uu taageero siiyo musharixiinta xukuumada taageersan tahay ayaa maanta ka jawaabay warmuritiyeed ay soo saareen xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka, War murtiyeedkaas oo ay ku cambareynayeen faragelinta ay xukuumada ku heysto doorashooyinka ka dhici doona koonfur galbeed.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in wax kama jiraan ay tahay dacwada iyo eedeynta ay soo jeediyeen xildhibanada ku shiray magalada muqdisho habeenkii xaley wuxuu kaloo intaasi ku daray ineysan habooneyn in dowlada la jaaifeysto oo been laga sheego gabagabadii hadalkiisana wuxuu xukuumada ka codsadey in dacwad ku aadan beentaas la furo.

Jawaabta uu bixiyey xildhibaanka ayaa eheyd jawaab laga sugaayey inay bixiso xukuumada balse nasiib daro siday weligeed ahaan jirtay siyaasiyiinta koonfur galbeed ayaa inta badanba ayagoo dantooda ilaashanaaya ka jawaaba suaalaha loo qabo xukuumada tasoo ah waxa dib u dhaca u keenay shacabka koonfur galbeed.

Idirisoow suaasha u baahan inaad ka jawaabto wexey tahay baabuur waa la gadan karaa sidaad adiga sheegtey dhowr jeerna aad dalaal ka noqotey laakiin diyaarada cargo ee baaburta soo qaaday ee lasoo kireystay yaa lacagteeda bixiyey?

Magalada baydhabo waxaa ku sugan musharixiin gaareysa 10 mexey xukumada usoo siin weyday askarta ilaalada ay wataan labadan musharax mexeyse kaga duwan yihiin musharixiinta kale?

Dacwada aad adiga ku baaqday in la furo isla markaana aad rabo iney qaadaan kuwa musuqmasuqa sameeyey ee diyaaradaha usoo kireeyey mushariuxiin ma kula tahay in garsoor fiican ay noqon doonaan?