Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Warshadii Hore ee Caanaha

0
59

Qarax Xoogan ayaa goor dhaweyd waxa uu ka dhacay Meel u dhaw Warshadii Hore Ee Caanaha Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho qaraxaasi oo ahaa sida la sheegay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray.

Lama sheegin tirada waxyeelada ay la eg tahay waxaase dad deegaanku sheegeen in ciidamada dawlada ay halkaasi gaareen oo muddo isku socodka hakad galay.

Ma jirto faah faahino kale oo soo baxay kuna saabsan qaraxaas,cida lagu beegsaday iyo cida ka dambeysay weerarkaasi waloow shabaab ay caan ku yihiin weerarada nuucaan oo kale ah.

Qaraxyada ka dhacaya magalada muqdisho ayaa ah kuwo soo noqnoqday oo ay xukuumadu weli xal u weysan tahay ayagoo marar badan ugu baaqay shacab iney kala shaqeeyaan sugida amina isla markana soo sheegaan haddii ay arkaan qof maleegaya dhibateynta shacabka