Dowlada Kenya oo Sheegtay Inay Dhawaan Ciidamadeeda Kala Bixi Doonto Somaliya

0
47

Madaxweynaha dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka inay kaga hadleen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin iskaashiga ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Uhuru oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xilliga ciidanka Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintan inay ka mid aheyd qodobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna tilmaamay in waqtiga ugu dhaw Soomaaliya ay ka soo saari doonaan ciidankooda.

Wuxuu kaloo sheegay ciidanka jooga Soomaaliya inay culeys dhaqaale ku hayaan, islamarkaana qarash ay hawlo kale ku qabsan lahaayeen ku bixiyaan ciidamada ka baxsan xuduudooda, sidaasi darteedna ay rabaan inay kala shaqeeyaan dowladda in si nabadgelyo ah xasiloooni loogu soo celiyo Soomaaliya.

Sanadkii la soo dhaafay 200 oo Askarta Kenya ah ayaa ka baxday Soomaaliya, halka qorshaha yahay in 200 oo kale ay ka baxaan Bisha December ee soo socota, taas oo qayb ka ah qorshaha markiiba 1,000 Askari oo AMISOM ah ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Shanta dal ee Ciidamada Milatariga ku biiriyay hawlgalka AMISOM ee kala ah Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda iyo Ethiopia, ayaa la filayaa in ay fuliyaan qorshaha ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.