Reysulwasaraha Dalka Itoobiya oo Sheegay In Arinta Cabdi Maxamuud Ay u Taalo Lamaha Amaanka

0
38

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo magaalada Addis Ababa kula kulmay warbaahinta gudaha dalkaasi Itoobiya ayaa soo hadal qaaday waxa laga yeelayo arinta madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxa’uud Cumar hadda ku jira gacanta hay’addaha Amniga wuxuuna sheegay in arintaas ay u taalo lamaha cadaallada ee dalka itoobiya.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in ururrada hubeysan ee dalka Itoobiya ee dhawaantan uu u fidiyay gogosha nabadeed laga doonayo in ay hubka iska dhiggaan, taa badalkeedana ku dagaalamaan qalinka iyo fikirkooda.

Su’aal aheyd wax ka jira in uu xannuun la soo darsay xiligii uu booqanayay dalka Mareykanka ayuu si fudud ugu jawaabay Abiy Ahmed’’ ” Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo spoorti”

Jimcihii ayuu ra’iisal wasaaraha Itoobiya kula kulmay magaalada Addis Ababa ergo ka kala soctay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo ugu baaqay nabad iyo in la ilaaliyo degenaashaha.