Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo Digniin u Direy Ciidamada

0
664

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kadib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga tababarka Gen. Gordan.

Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta.

Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.

Laamaha baarista oo kaashanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.

Gaba-gabadii ayuu sheeegay guddoomiyaha in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howlgeli doonaan rugaha ciidamada.