Dalalka Somaliya iyo Jabuuti oo Kala Saxiixdey Heshiisyo Dhowr ah

0
44

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliy Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi.

Wasiir Cawad waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo Saddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka, iyaga oo balan qaaday heshiisyadan in ay noqon doonaan kuwo si dhaw u dhaqan gala.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Ahmed Isse Awad ayaa waxa uu booqasho sharafeed ugu tagey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.