Mid Ka Mid ah Ergadii Doortey Xildhibanada Laga Soo Doorto Kismaanyo Oo Lagu Diley Hoygiisa

0
34

Mid ka mid ah ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo dooratay ayaa xalay lagu dhexdilay hoygiisa, kadib markii ay ku weerareen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Ninkan oo la oran jiray Xasan Codey Julaas ayaa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala degaanka Far Leysaan, oo qiyaastii 40-KM dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Nin ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in ninkaasi ay dileen laba nin oo watay mooto/dhugdhugley, kuna hubeysnaa bastoolado.

Xasan Codey Julaas ayaa ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Julaas ayaa si weyn uga dhex muuqday bulshada ku dhaqan magaalada Garbahaarey, isagoo ahaa nin ay dadku aad u garanayeen.