Dhegeyso Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Baay oo Sheegey In Aan Mooto Bajaaj Kale La Keeni Karin Gobolka

0
323

Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay waddaan qorsheyeyaal ku aadan in magaalada laga joojiyo Gaadiidka Bajaajta.

Waxaa uu sheegay in ay Magaalada ay u soo gashay si xad dhaaf ah, islamarkaana ay xakameyn doonaan Magaaladana aan lasoo galin karin Mooto Bajaajta.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabto, iyadoo Magaalada Baydhabo soo galinaysa Bajaaj in tilaabo laga qaadi doono.

Mahad Cabdiraxmaan