Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Lagu Wado in uu Maanta Khudbad Ka Jeediyo Kulanka Jamacada Carabta

0
63

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shirar googi gooni ah la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxda shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana lagu waddaa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ay arintaasi ka hadlaan.