Wadooyinka Magalada Muqdisho oo Maanta Xiran

0
74

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan.

Horay wadooyinka jidcadyaasha ah waxaa loogu xiray Dhagxaan waa weyn oo gaadiidka iyo Mootooyinka aanan u suuragelinayn inay ka soo gudbaan, haddana waxaa sii dheer in Isgoysyada ciidanka joogaan ay u diidayaan Mootooyinka iyo gaadiidka inay soo maraan.

Lama oga cida amarkaan bixisay, balse ciidamada ayaa dadka gaadiidka wata u sheegaya in amarka wadooyinka ay ku xireen in uu yimid kadib markii ay amar soo siiyeen saraakiishooda, balse aanay ogeyn sababta rasmiga ah ee xirnaanshaha wadooyinka.

Iyadoo Koontaroolada ciidanka sidaasi loogu rafaadinayo Bulshada, ayaa haddana waxaa dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka iyo qaraxyo Baabuur loo adeegsado oo Magaalada ka dhaca.