Dhegeyso: Gudiga Aqalka Sare ee u Xilsaaran Xalinta Khilaafka Baarlamaanka oo Qodobo Soo Saaray

0
207

Guddigii Aqalka Sare u xilsaaray xalinta Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in dhinacyadda uu Khilaafku u dhaxeeyo in ay joojiyaan Ololaha Siyaasadeed ay ka waddaan Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay la kulmeen Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana ay kala hadleen sidii Mooshinka loo marsiin lahaa wadada Saxda ah.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay xuseen in ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayna kala hadleen sidii xarunta Golaha Shacabka ciidamadii haayay dib loogu soo celin lahaa.

Aqalka Sare

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Aqalka Sare Mobil