Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka somaliya Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa habeenkii xaley la hadley shacabka somaliyeed una sheegey inuu ogol yahay mooshinka laga keeney isla markaana diyaar u yahay in cod loo qaado.
Gudoomiyah ayaa sido kale sheegey inuusan marnaba iska casili doonin xilka balse uu diyaar u yahay in codeyn looga qaato, Dhanka kale asagoo ka hadlayey hadal heyn beryahan socotey oo qaar ka tirsan xldhibanada mooshinka keeney ay hayeen taasoo ay kaga dalbanayeen inuu is casilo wuxuuna sheegey in uusan marnaba is casili doonin balse uu diyaar u yahay in sharciga lagu kala boxo.