Wasiirka Amniga oo u Digey Ciidamada Milateriga ee Lasoo gala Qoryaha Waaweyn Gudaha Magalada

0
845

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waaweyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Wuxuu sheegay arrintan inuu kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka Ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qabaan isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Islow inaan loo baahneyn in magaalada ay noqoto furin dagaal oo lagu dhexsito Hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taasi bedelkeedana mgaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

17-kii May 2017-kii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Qori ka weyn AK-47, lana wadan karin ilaalo ka badan Afar Askari, taasi oo u muuqata in weli aysan dhaqan galin.