Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Ka Jawaabey Eedeymo Kaga Yimid Ganacsatada Somaliyeed ee ku Dhaqan Magalada Muqdisho

0
91

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay eedeyn uga timid ganacsatada gobolka Banaadir oo sheegay in si gaar loogu soo rogay canshuurro dheeraad ah.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in eedeynta ganacsatadu tahay mid aan waxba ka jirin, isaga oo intaa ku darray in ganacsatada aan lagaba qaadin in ka badan 10 canshuur oo ay waajib aheyd in ay bixiyaan oo Saddex kaliya hadda laga qaadayo.

Waxaa uu meesha saaray in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Si kastaba arintu ha ahaatee ganacsatada somaaliyeed ayaa in mudo ahba waxaa ay barteen in aysan wax canshuur ah bixin taasoo hada kolkii canshuurta lagu soo rogey keentey in ay ka qeyliyaan.