Taliyaha Ciidamada Amisom ee Somaliya General Cusmaan Nuur Subagley Oo Dhawaan Xilka Wareejin Doona

0
95

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa dhowaan lagu wadaa inuu wareejiyo xilka uu hada hayo, maadaama uu gaba gabo ku dhow yahay qorshihiisa xil heynta ee loogu tala galay.

General Subagle oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in hada ay socoto qaban qaabada uu xilka ku wareejin lahaa dhowaana uu xilka ku wareejin doono Taliye cusub oo ka socda AMISOM gaar ahaan dalalka qeybta ka ah Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay Subagle inuu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan Taliska cusub ee AMISOM.

Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilkan si rasmi ah ugula wareegay Taliyihii hore ee AMISOM General Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya 19-kii July 2016-kii, kadib markii ay dhamaatay xil heyntiisa.