Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo Caalamka Ka Codsadey In Laga Cafiyo Deymaha Somaliya Lagu Leeyahay

0
44

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlayay kulan ka qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xiriirka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”

Ganacsatada Soomaaliyee ayuu ku aamaanay doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka isaga oo yiri: “In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku- ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.

Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .

Waxa kale ee uu sheegay reysulwasare Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.