Xukumada oo Cambaareysey Dilkii Loo Geystey Wariye Mohamed Ibraahim Gaaboow oo U Shaqeyn Jirey Kalsan Tv

0
147

Dowladda Somaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibraahim Gaaboow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.

Wasiir wasarada warwaafinta Eng yariisow ayaa ka tacsiyeeyey dilkii loo geyetey wariye maxamed wuxuuna isla markaana cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gaaboow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha,.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo.

Hay’addaha Amniga iyo Garsoorka ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng. Yarisow.