Maxamed Mursal Sheekh oo Loo Magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga

0
42

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii hayn doona Wasiiru Dowlaha Wasaaraddai C/xakiin Xassan Ashkir.