Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kulan La Qaatey Safiirka Dalka Turkiga u Jooga Somaliya

0
38

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaaliya Olgan Bekar.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo sida ay iskula shaqeyn lahaayeen, islmarkaana ay isaga kaashan lahaayeen waxqabadkooda ku aadan casriyeynta Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili maamulka gobolka banaadir ay dadaal weyn ugu jiraan sidii magalada muqdisho ay dib ugu soo celin lahaayeen bilicdeeda iyo amnigeeda.