Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Madaxda Maamul Goboleedyada ugu Baaqey In laga Shaqeeyo Midnimada

0
43

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedayda ayaa si gaar ah khubadiisa diirada ugu saaray xaalada dalka iyo qorshaha dowladda ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxda maamul gobolleedyada in ay waajib ku tahay ka shaqeynta Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka.

Waxaa uu ku celceliyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo 10 sano uu dagaal ku jiray.