Falkii Lagu Diley Xoghayihii Ururka Haweenka oo Loosoo Xirey 12 Askari Iyo Taliyeyaashooda

0
25

Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowlada federaalka somaliyeed Maxamed Abuurkar Isloow oo warbaahinta kula hadlay xarunta Jen Kaaye, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo baaritaanka falkii dilka ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in baaritaanka arintan ku saabsan oo ay iska kaashanayaan wasaarada Amniga gudaha iyo taliska booliiska Soomaaliyeed wali socdo islamarkaana gacanta lagu hayo sida uu sheegay gaari looga shakisan yahay in uu qeyb ka ahaa falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in la xiray taliyeyaashii nabad-sugida iyo booliiska degmada Xamar weyne islamarkaana xilka laga qaaday, sidoo kalana xabsiga la dhigay ilaa 12 Askari oo waqtiga uu falka dilka ah dhacayay ku sugnaa Labo Isgoys oo ka mid ah uu weerarku ka dhacay.

Dilka todobaadkii hore ka dhacay degmada Xamar Weyne ayaa abuuray hadal heyn badan iyo shaki ku saabsan sugida Amniga caasimada, madaama halka lagu toogtay xoghayihii Ururka haweenka Qaranka iyo wiilka guddoomiyaha Ururka haweenka ay ka Agdhawaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.