Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug oo Eedey Usoo Jeediyey Xildhibaanadii Dhawaan Tegey Magalada Cadaado

0
51

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaannadii labada Aqal ee dhawaan Cadaado u tagay dhameynta khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhaxgalay mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada aysan marnaba ka run sheegin ka hadalka qodobada asalka u ah khilaafka ka taagan Galmudug.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in xildhibaannadan aysan marnaba soo hadal qaadin go’aankii madaxtooyada Galmudug ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka iyo xil ka qaadistii xildhibaannada baarlamaanka ay ku sameeyeen madaxweyne Xaaf oo ah labada qodob ee ugu weyn khilaafka taagan,

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa meesha ka saaray eedeynta loo jeedinayo dowladda federaalka ee ah in ay faragalin ku heyso siyaasada Galmudug.