Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay la ciiday Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka.
Farmaajo, ayaa ciidanka ku ammaanay doorka ay kaga jiraan Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka, sida hadalka uu u dhigay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuusid mudan ku tilmaamay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.
Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.
Dhiira galinta waa talaabooyin had iyo jeer uu qaado Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waan qeyb ka mid ah qorshaha Qarka uu dib ugu dhisayo Ciidamadda Xoogga Dalka.