Somaliland iyo Khaatumo oo Maanta Wada Galey Heshiis Ka Kooban 10 Qodob

0
111

Kulan ay isugu yimaadeen maamulada somaliland iyo khaatumo ayaa gabagabadii kulanka waxaa lagu soo af jarey heshiis ka kooban 10Toban qodob.

Qodobadan lagu soo afjaray wada hadalkaasi waxa goob joog ka ahaa hogaamiyaha KHaatumo Cali Khaliif Galaydh, halka Somaliland uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Sacad Cali Shire.

Qodobada waxaa ka mid ahaa

1. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay dhibaataddu ka soo gaadhay isku dhacii dagaalka sababay ee dhexmaray labadda beelood ee walaaha ee wada dega Buuhoodle.

2.waxaanu bogaadin iyo hambalyo u dirayna odayaashii iyo waxgaradkii dhexgallay ku guuleeyey inay soo afjaraan shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.

3. waxaanu isla garanay in meel looga soo wada jeesto xaalada cusub ee ka aloosan Buuhoodle.

4. in maamuladda Puntland iyo Muqdisho ay joojiyaan gardaradda qaawan ee ay ka wadaan deegaanada Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna Buuhoodle.

5. in Caalamku ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle ay ka masuulka yihiin labadda maamul ee Garoowe iyo Xamar.

6.siiba maamulka Puntland ha joojiyo dhibaatada uu ku hayo nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

7. in garaadada iyo cuqaashu wada jir uga hor tagaan wixii dhib iyo dhaawac nabadda iyo nolosha dadka gaadhsiinaya.

8. in aan Somaliland marnaba aqbali doonin meel ka mid ah lagu qabto shir lagu kala qaybinayo dadka iyo dalka Somaliland laguna burburinayo wada hadaladda Somaliland iyo Khaatumo.

9. waxaanu uga digaynaa shirkadaha iyo hay’adaha diyaaradaha inay fasax la’aan ka soo degaan garoomadda si loo sugo amaankoodda.

10. waxa la magacaabay guddi laba geesood ah oo tallo bixin ka soo jeedin doonna qabashadda shirweynaha loo dhan yahay.