Dowlada Federaalka Somaliya iyo India oo Kala Saxiixdey Heshiis Ay Isku Weydaarsanayaan Maxaabiista

0
27

Wasiirka wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo gaaray dalka India ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaas Sushma Swaraj , oo ay ka wada hadleen arimo la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaa ku xir xiran.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India dib loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya, kadib hehsiis ay horay u wada saxiixdeen labada dowladood oo dhigayay in maxaabiista Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo dalkooda.

Heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Wafdiga dowladda ee tagay India ayaa lagu wadaa in ay booqdaan maxaabiista Soomaaliyeed si ay ugu kuurgalaan xaaladooda gaar ahaan waxaa la filayaa in ay tagaan magaalooyinka Hyderabad iyo Mumbai.