Shariif Xasan oo Maanta Ku Dhawaaqey Isku Shaandheyn uu ku Sameeyey Golihiisa Wasiirada

0
39

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa goor dhaw ku dhaawaqay isku-shaandheyn lagu sameeyay xubnaha gollaha wasiiradda maamulka.

Isku shaandheyntan oo aheyd mid todobaadyadii ugu danbeeyayba siweyn looga hadal hayay magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka dhax muuqanaya wasiiro cusub, halka wasiirradii hore qaarkood loo badallay wasaarrado kale.

Xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay uga codsaday madaxweynaha in uu is badal ku sameeyo golaha wasiirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan xubno aan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.