Alshabab oo Sii Deysey Shaqaale Ka Tirsanaa Hay’ad Samafal oo Ay Dhawaan Ka Qafaasheen Degmada Buurhakaba

0
80

Ururka Al-shabaab ayaa la shegay in ay madax furasho ku sii daayeen 7 shaqaale safamal ah oo ay dhawaan ka afduubteen wadadda xiriirsa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Baay.

Mohamed Isak Ibrahim oo madaxa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Baay ayaa u sheegay Wakaalada Anadolu Agency in Al-shabaab madax furasho ahaan u qaateen hubkii ay wateen shaqaalaha samafalka.

Shaqaalahan la sii daayay ayuu sheegay sarkaalkan in ay ka koobnaayeen Labo dumar ah iyo shan rag ah oo dhamaantood u shaqeynayay hay’ad maxali ah oo samafalka ka shaqeysa.

Ma aha markii ugu hoeeysey oo ay alshabab madax furasho kusii deyseo shaqaale ka tirsan hay’adaha ka howl gala dallka horaantii sanadkan ayeey aheyd markii Al-shabaab lacag madax furasho ah ku sii daayeen shaqaale ka tirsanaa hay’adda Save The Children oo ay ku qafaasheen gudaha gobolka Hiiraan.