Mukhtaar Roobow ” Abuu Mansuur ” oo Ku Gacan Seyrey Codsi kaga Yimid Alshabab

0
132

Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur ayaa la sheegay in uu iska diiday codsi uga yimid xoogagga Al-shabaab oo ka dalbaday in marka kale uu ku soo biiro ururka, kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ka qaadeen xayiraadii saarneyd.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka codsadeen Mukhtaar Rooboow in uu dib ugu noqdo kooxda, hasse ahaatee uu arintaa ka soo horjeestay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow oo ku dhaw degmada Xuddur ee gobolka Bakool.Al-shabaab ayuu sheegay in ay shaki badan ka qabaan Mukhtaar Rooboow in uu ku biiro dhinacyo kale taasoo caqabad ku noqon karta joogitaankooda deegaanka.

Guddoomiyaha aya sheegay in ilaa iyo hadda uusan jirin xiriir toos ah oo dhaxmaray isaga iyo Mukhtaar Rooboow, laakiin mar walba ay ku shaqeyn doonaan go’aanka maamulka Koonfur galbeed uu ka qaato arintaas.