Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta la kulmay Golihii wasiirada Puntland ee kalsoonida lagala noqdey
Kulanka uu Gaas la qaatay Wasiirada wuxuu ahaa mid laga soo horumariyey kii todobaadlaha ahaa ee caadiga, Khamiis kastana la qaban jiray.
Madaxtooyada Puntland kulankaasi wax war-murtiyeed ah kama aysan soo saarin, balse wararka la helayo waxa ay sheegayaan in looga hadlay waxa dhacay iyo tillaabada xigta.
Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.
