Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee caasimadda Muqdisho waxaa ay soo bandhigeen shilalka ay geysteen gaadiidka ciidamada dalka nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.
Shilalka qaarkood waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,dadka ugu badan ee saameysanta ay ku yeesheen waa shacab,sida u warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka.
Taliyaha ayaa sheegay shilalka gaadiidka AMISOM inuu ugu dambeeyay mid ka dhacay waddada Taleex,halkaas oo gaari kuwa howlgalka ka mid ah uu jiirey mooto bajaaj ah.
Taliyaha ayaa ugu danbeyntii si adag u sheegay in AMISOM aysan sharciga ka weyneyn, isla markaana lagula xisaabtami doono dhib kasta oo ay geystaan, isagoo ugu baaqay dadka in aysan siyaasadeyn shilalka.
Hadalka taliyaha ayaa imanaya xili marar badan oo kala duwan gadiidka ciidamada AMISOM lagu eedeeyay in ay geystaan shilal kala duwan oo qaarkood dad ay ku dhinteen.
