Kooxaha Burcad Badeeda Somalida oo Lagu Eedeynayo Iney Saacidaan Ururka Daacish

0
223

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay taageeraan Ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Hay’adaha Caalamiga ee falanqeeya Arrimaha argagixisada ayaa waxaa ay sheegeen in ay tuhunsan yahay in kooxaha burcad badeeda iyo sidoo kale Ururka Daacish ee uu ka dhaxeeyo xiriir.

Warbixin dheer oo laga sii daayay TV-ga CNN ayaa lagu sheegay Qaramada Midoobey iyo sidoo kale dowladda Mareykanka ay og yihiin in ugu yaraan labo Afduub Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ay ka saacideen Kooxo Argagxiso.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida laga qaado tilaabo adag, maadaama ay khatartooda ay sii kordheyso.