Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Bandhigtey Gacan Ku Dhiiglihii Diley Marxuun Cabaas Siraaji

0
149

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad la xariirtay Dilkii Allaha U naxariiste Marxuum x wasiir/xildhibaan Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa horey uga dalbaday in xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxa ayna Maxkamadda horkeeneen Muuqaalo lagu duubay ” CCTV”, Sawirro , qoraal cadaynaya inta uu soo maray kiiskan baaristiisa iyo heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee dhageysiga dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay qeybteedii 3-aad.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysay 1.D/le xoogga, Axmed C/laahi caydiid in uu ahaa shakhsiga ka dambeyay dilka wasiirka iyadoo ay aqbaleen qaraanada difaacayay eedeysanaha halka sidoo kale ay isku raaceen labada dhinac ee dacwada in lagala noqdo askarigii kale S/Alifle Cusmaan Salaad Barre ee la saarnaa gaariga kaas oo loo qaatay in ka noqdo eedda markhaati marka loo fiiriyo kaalinta uu ku lahaa kiiska,

Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyn la soo gaba-gabeeyay kiiskan, garsoorkana aya ka soo saari doonaan xukunka kama dambeysta ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Allaha Unaxariiste Marxuum wasiir/xildhibaan cabaas Cabdullaahi Sh siraaji ayaa u geeriyooday xabad uu ku dhuftay mid kamid ah ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka kaasi oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed C/laahi ceydiid May 3 2017.