Gaari Amisom Laheyd oo Maanta Cilad Farsamo Darteed Ugu Gudbtey Magalada Muqdisho

0
29

Gaari ah kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw oo maanta waxaa uu dab ku qabsaday Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo G/sare Maxmed Daahir Cabdulle ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaariga ay ka dhalatay Maaso sida uu hadalka u dhigay taasoo keentay in uu dab ka kaco.

Lama oga sababta saxa ah ee keentey in gaariga uu gudbto mana jirto cid weli sheegatey iney ka dambeysey falkaas marka laga reebo sarkaalka sheegey in dabka ay ka timid maaso ka dhalatey dhinaca korontada ee gariga