Kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala gedisan ee bulshada ku abtirsata beelaha shanta caleemood ayaa waxaa uu maanta ka dhacay degmada wanleweyn ee gobolka shabelaha hoose.
Kulankan oo ay hormuud ka ahaayeen madaxda dhaqanka beelaha shanta caleemood maamulka degmada ayaa waxaa looga Hadley dhibaatooyin isdaba jog ah oo beryihii lasoo dhaafey ay tabanaayeen bulshada shanta caleemood kana tabanayeen ciidamada dowlada federaalka somaliya ee ku sugan xerada belidoogle.
Ka qeyb galayasha kulanka ayaa waxaa ay isla garteen in guud ahaan laga hortago falalka ciidamada dowlada ay habeen walba ku qafaalanayaan qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonada degmada ayadoo si gaar ahna loo gorfeeyey afduubkii ciidamada dowlada ee ku sugan belidoogle ay u geysteen Nabadoon Siidow Axmed Xasan habeenimadii 29 bisha May.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa wexey isla garteen in falalkan ka dhanka ah shacabka reer wanleweyn ay ku hayaan ciidamada dowlada ee ku sugan xerada belidoogle iney dacwad ka geeyaan malinimada berito ah ayagoo xerada gudaheeda kula balansan abaaduulaha ciidamada ciidanka xooga dalka somaliyeed.
Dhibaatooyinka isdaba jooga ah oo ay ciidamada ku sugan xerada belidoogle ku hayaan shacabka reer wanleweyn ayaa waxaa ay imaaneysaa xili madaxweynaha dowlada federaalka somaliya maxamed cabdullahi farmaajo uu ku dhawaaqey in askarta dowlada aysan dhigan Karin isbaaro isla markaana qafaalan Karin shacab.
