Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo Sheegtey Iney Bishan Afurin Doonaan 1.1 Miyan oo Ruux

0
29

Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Qaasim, ayaa maanta oo jimca ah daah furtay mashruuc cusub oo la doonayo in lagu afuriyo 1.1 million oo Soomaali oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in howsha inteeda badan laga fulin doono goobaha ay saameyeen abaaraha ee gudaha dalka Soomaaliya.

Mashruuca ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa noocyadda cuntada gaar ahaan mida bisil.

Fulinta mushruucan ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka ku nool magalladda Muqdishu oo u arka mid ay ka faa’iideysan donaan dhamaan dadka danta yar ee ay abaaraha saameyeen.

Gobollo farabadan oo ka tirsan deegaannada Dalka ayaa waxaa ka jira abaaro aad u xooggan oo dalka iyo duunyadiiba saameeyeyay.