Wararka aynu ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa kusoo waramaya in maanta lagu waddo in Maxkamad la horkeeno Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo ka badan 45 Cisho ku xiran Magaalada Hargeysa.
Wariyeyaasha ku sugan Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla Hargeysa maanta Wariyaha lasoo taagi doono.
Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga Marsiin doonto ka dib Markii ay sheegeen in uu ku xadgudbay Qaranimada Somaliland.
Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Garoonka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka laabtay Muqdisho , islamarkaana uu taageero u muujiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
