Roobab Lagu Diirsadey oo Shaley Ka Da’ay Degmooyin Hoos taga Gobolka Baay iyo Bakool

0
55

Wararka naga soo gaaraya degaano dhowr ah oo hoos yimaada gobolada Baay iyo Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka curteen roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Dhulka roobabka ay ka da’een ayaa ka mid ah meelaha ay abaartu saamaysay isla markaana xaaladd caafimaad darro oo abaarta ka dhashay ay dadka iyo xoolahaba saameeyeen.

Roobabka da’ay oo la sheegay inaysan ahayn kuwa xooggan, ayaa haddana lagu warramay in dadka ku diirsadeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanada ay roobabku ka curteen ayaa sheegay in ay aad ugu baahnaadeen roobkaasi.